Doorashada daawada joojinta sigaarku waxa ay idinku xirnaan doontaa adiga iyo habnololeedkaaga – lataliyahaaga ayaa hagis kuugu deeqi doona oo kuu macnayn doona sida saxda ah ee loo isticmaalo. Qalab kaste oo sigaarka lagu joojiyo ee aad doorato, waxa uu lataliyuhu la socon doonaa sida ay daawadu kuugu socoto marka aad u timaaddo kulannada taageerada.

Champix.png

Champix (Varenicline)

Champix waa daawo yaraysa rabitaanka sigaarka waxa ayna dhadhan iyo dareen xun u yeeshaa sigaar cabka. Lataliyahaaga ayaa rijeeto ama warqad kuu siin doona daawada Champix taas oo aad ula tagi doonto farmashii xaafadda ku taalla oo laguu magacaabay. Marka hore, waxa aad tan ku heli doontaa qiyaas labo toddobaad ah. Daawayntu waxa ay gebi ahaan socotaa labo iyo toban toddobaad.

NRT.png

Daawaynta Beddelaadda Nikotine (Nicotine Replacement Therapy, NRT)

Daawaynta NRT waxa ay u kala baxdaa toddobo nooc (fiiri sawirrada). Waxa ay yareeyaan rabitaanka sigaarka si isku mid ah ayayna dhammaantood wax u taraan. Waxaa isla markii keliyaba loo isticmaali karaa labo badeeco oo la isku daro.

Lataliyahaaga ayaa rijeeto kuu siin doona daawaynta NRT taas oo aad ula tagi doonto farmashii xaafadda ku taalla oo laguu magacaabay. Waxa aad caadi ahaan tan ku heli doontaa qiyaas hal toddobaad ah. Daawayntu waxa ay caadi ahaan socotaa siddeed ilaa labo iyo toban toddobaad.

Man vaping.png

Sigaarrada elektaroonigga ah (Electronic cigarettes/EC) ama Uumiyeyaasha (Vapes)

Waxa aan annagu nahay adeeg oggol sigaarrada EC waxa aanan soo dhawaynaynaa dadka raba in ay isticmaalaan sigaarrada EC si ay uga caawiyaan jarista. Waxa ay tani ka dhigan tahay haddii aad weli sigaar cabto oo aad isticmaasho sigaar elektaroonig ah si uu kaaga caawiyo joojinta, waxa aad haddana toddobaad kaste arki kartaa lataliyaha joojinta sigaarka si aad taageero uga hesho. Annagu ma bixin karno sigaarrada elektaroonigga ah maxaa yeelay kuwaas shati looma siinin in loo isticmaalo qalabka joojinta sigaarka. Lataliyaha ayaa kaala hadli kara hababka aad iskaga ilaalin karto cabbista tubaakada, sida aad ugu adkaysan karto rabitaanka iyo sida aad u yarayn karto isticmaalka maaddada nikotine ee ku jirta sigaarrada elektaroonigga ah.



FADLAN OGOW: Adeeggan waxaa heli kara oo keliya dadka sigaar cabba ee ku nool, ka shaqeeya ama wax ka barta Hackney