Waxaa taageerada ka diyaar ah 3 fursadood: taageerada Iskaa, Gaaban, ama Takhasuska leh si lagaaga caawiyo joojinta sigaarka. Waqti kaste ayaad kala beddelan kartaa fursadaha haddii aad u aragto in ay mid kale kaaga fiican tahay. Xirfadleyaasha takhasus leh waa dad saaxiibtinimo leh oo taageero laga helo waxa ayna kaa caawiyaan in aad sigaar ma cabbe noqoto.

Waxa ay kugu arki karaan oo ay kugu taageeri karaan barnaamij sigaarka lagu joojiyo ilaa 12 toddobaad oo isku xiga.

FURSADDA 1

Fursadda Taageerada Iskaa ah: Dadka aanan rabin in ay arkaan La taliye Takhasus leh si ay toddobaad walba ula yeeshaan kulannada joojinta sigaarka waxaa u diyaar ah fursadda aad iskaa ugu maamuli karto dadaalka Jarista, adiga oo isticmaala bogagga bartayada internetka; xataa talo ku saabsan isticmaalka daawooyinka, hadaf dejinta iyo maamulidda hammad dhaliyeyaasha. Waxaa weliba la adeegsan karaa fursadda taageerada telefoonka, farriinta telefoonka gacanta ama iimaylka oo laga helo lataliye si taas loo barbar wado (Fiiri fursadda 2).

FURSADDA 2

Fursadda Taageerada Gaaban: Loogu talagalay dadka gargaar uga baahan Lataliye Takhasus leh laakiin aanan waqti ama dhaqdhaqaaq u haynin isku huridda 12 toddobaad ee Taageero takhasus leh. Xirfadleyaashayada takhasuska leh ayaa diyaar kuugu ahaanaya telefoonka, iimaylka, ama kulanno gaaban oo ballan la’aan ah. Waxa aad heli kartaa rijeetada Daawaynta Beddelaadda Nikotine (Nicotine Replacement Therapy) si lagaaga caawiyo jarista. Waxaa lagaaga baahan yahay ugu yaraan 2 kulan oo fool ka fool ah ka dib kulankaaga taageerada ee ugu horreeya.

FURSADDA 3

Taageerada Takhasuska leh ee toddobaad walba: Lataliyeyaashu waxa ay qabtaan barnaamij taageero oo labo iyo toban toddobaad socda. Ka dib ballantaada ugu horraysa, waxa aad yeelan doontaa kulanno taageero (toddobaadkiiba hal), goortaas oo aad ka hadli karto sida ay xaaladdu kuugu socoto, dhibaatooyinka aad qabto waxa aanad lataliyahaaga ka heli doontaa talo, dhiirrigelin iyo daawo. Waxaa muhiim ah in aad u timaaddo ballamahaaga dhammaantood. Kulanka ugu horreeya waxa uu caadi ahaan socdaa qiyaas ahaan 45 daqiiqo. Kulannada dambe waxa ay socdaan 10-20 daqiiqo.


Kulankaaga koowaad ee taageero Gaaban ama Takhasus leh (Fursadaha 2 & 3):

  1. Waxa uu lataliyuhu su’aalo kaa weydiin doonaa sigaar cabkaaga, caafimaadkaaga iyo habnololeedkaaga, nooca daawada joojinta sigaarka ee laga yaabo in aad rabto in aad isticmaasho iwm.

  2. Waxa uu lataliyahaagu kaa caawin doonaa in aad dhigato maalinta jarista (taariikhda aad sigaarka joojin doonto). Waxa aad ku heshiin doontaan qorshe waxqabad oo ku saabsan sida aad maalintan iskugu diyaarin karto.

  3. Lataliyahaagu wax ayuu qori doonaa waxa uuna diiwaangelin doonaa waxa aad go’aansato.

Dabagalka (Fursadaha 2 & 3):

Lataliyuhu waxa uu kuu soo diri doonaa telefoon/ iimayl/ farriinta telefoonka gacanta haddii aad kulannadaada u iman weydo. Ka dib marka aad sigaarka joojiso ee aad barnaamijka dhammaystirto haddii aad u aragto in ay dhici karto in aad sigaarka dib u bilowdo, waxa aad la soo xiriiri kartaa Adeegga Joojinta Sigaarka Hackney si aad taageero dheeraad ah uga hesho lambarka 0800 046 9946.

Daawooyinka joojinta sigaarka

Dadka intooda ugu badan waxa ay ka faa’iido helaan isticmaalka mid ka mid ah daawooyinka loogu talagalay in ay dadka ka caawiyaan joojinta sigaarka. Marka aad kuwan isticmaasho waxaa afar laab kaaga suurogal badan in aad ku guulaysato. Bogga ku sii soco si aad wax dheeraad ah uga akhrisato Daawaynta Beddelaadda Nikotine, Champix iyo sigaarrada elektaroonigga ah.


FADLAN OGOW: Adeeggan waxaa heli kara oo keliya dadka sigaar cabba ee ku nool, ka shaqeeya ama wax ka barta Hackney