Adigu macabtaa sigaar yar, weyn, tubaako ama badeecad?

Ma rabtaa in aad sigaarka joojiso?

Waan ku caawini:

Maxaa gargaar la heli karaa?

Lataliyeyaal loo tababbaray joojinta sigaarka ayaa ku baahsan xaafadda si ay kuu siiyaan talo iyo taageero aad sigaarka ku joojiso 7 cisho toddobaadkii – waxa aan kiliniigyo ku leenahay xafiisyada Takhtarka Guud (GP), farmashiiyo iyo goobo bulsheed.

Waxaa 4 laab kaaga suurogal badan in aad sigaarka ku joojiso adeegga NHS ee taageero takhasus ah leh halka keligaa, oo aad kaaga suurogal badan in aad iska dayso sigaar marka aad jarto caadada.

-Ballamo toddobaadkii ilaa 12 toddobaad oo aad helayso taageero takhasus leh iyo maamul rabitaan.

-Daawo joojin sigaar sida Daawaynta Beddelaadda Nikotine (Nicotine Replacement Therapy) (NRT) iyo Champix (Lacago rijeeto ayaa la qaadi karaa).

-Cabbirrada toddobaadkii ee curiyaha Kaarban Monoksayd si horumarkaaga laguu tuso.

-Kiliniigyo meelo habboon ku yaalla.

Tirakoob sigaar cab

Sigaar cabku waa sababta #1 ee laga hortagi karo ee dhimasho, cudur iyo u kaladuwanaan caafimaad ee Ingiriiska

Qiyaasta 15% shacabka Ingiriiska ayaa weli sigaar cabba (20% Hackney) oo dadka waqti dheer sigaar cabba nus ayaa u dhiman doona cudurro sigaar cab ku xiran – 78,000 dhimasho 2017!

Khatarrada sigaar cabka qaar

• Dhibaatooyin caafimaad, sida dhibaatooyinka sanbabbada

• Kansarka

• Cudurrada indhaha / Caadka Indhaha

• Gudbinta qiiqa

• Dhibaatooyin ka iman kara bacrinta

• Cimidherer yaraada

• Caadaysi

Qaar ka mid ah faa’iidooyinka joojinta sigaarka

• Timo, harag, ilko iyo cirridyo ka caafimaad badan

• Bacrin ka roon

• Dhadhamin iyo urin ka roon

• Neefsasho ka fudud iyo heer tamar ka roon

• Jiifin isbitaal ka tiro yar

• Haddii aad cabto ilaa 20 sigaar maalintii waxa aad reeban kartaa ilaa £250 bishii

Ma fududa laakiin waan kaa caawin karnaa

Breaking+Cig+imagery.jpg

FADLAN OGOW: Adeeggan waxaa heli kara oo keliya dadka sigaar cabba ee ku nool, ka shaqeeya ama wax ka barta Hackney